Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Mas’uuliyiinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan degmada Balcad ayaa si rasmi ah uga daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Sidoo kale, daahfurka waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Maamulka degmada.
Mas’uuliyiinta ayaa bulshada ku nool degmada Balcad ugu baaqay inay ka qaybqaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay u gutaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee ah inay codkooda dhiibtaan maalinta doorashada.



