MUQDISHO, 2 Abriil 2026: Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu dhaarinayey xubnaha Golaha Deegaanka ee degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka qabsoontay Masraxa Shariif Saalax ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Munaasabaddan oo ahayd mid taariikhi ah, waxaa ka soo qayb galay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, hoggaanka guddiga, Maamulka Gobolka Banaadir, iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Mudane Saalax Cali Maxamuud, ayaa si rasmi ah u dhaariyey 390 xildhibaan oo ku guulaystay doorashadii qof iyo codka ahayd ee ka dhacday degmooyinka gobolka Banaadir 25-kii Diseembar 2025. Xubnahan la dhaariyey oo hadda wixii ka dambeeya si sharci ah u bilaabaya waajibaadkooda, ayaa laga soo xulay ururradii siyaasadda ee u tartamay kuraasta golayaasha deegaanka ee caasimadda.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa marti sharaf miisaan leh oo ay ka mid yihiin Duqa Magaalada Muqdisho, Wasiirrada Cadaaladda, Gaashaandhiga, Waxbarashada, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dawladda iyo ururrada bulshada rayidka ah. Ka qayb galayaasha ayaa ku bogaadiyay guddiga doorashooyinka dhabar adaygii ay muujiyeen muddadii ay socdeen doorashooyinka dalku u jiheystay.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, iyo mas’uuliyiintii kale ee madasha ka hadlay ayaa kula dardaarmay xubnaha la dhaariyey inay si hufan, daacadnimo iyo caddaalad ku dheehan tahay ugu adeegaan bulshada ku nool Gobolka Banaadir, iyagoo ka dhabaynaya kalsoonidii ay shacabku ku siiyeen codkooda.