Ansixinta Dastuurka Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

dukandaran
2 Min Read

Shalay waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay ansixinta Dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kadib cod aqlabiyad leh oo ka soo baxay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Ansixintan taariikhiga ah waxay muujinaysaa horumar weyn oo dalka laga gaaray, iyadoo Soomaaliya ka tallaabsatay Dastuurka Kumeelgaarka ahaa ee 2012 islamarkaana u gudubtay dastuur rasmi ah oo sharci ahaan dalka ka dhaqan galaya.

Kulanka wadajirka ahaa ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa lagu meel mariyey Dastuurka, waxaana codka taageerada ah ka dhiibtay tiro badan oo xildhibaano iyo senators ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa door muhiim ah ka qaatay hannaanka ansixinta, taasoo ka dhigan guul siyaasadeed oo muujinaysa hoggaan hufan iyo wada shaqeyn heer qaran ah.

Dastuurka cusub wuxuu si cad u qeexayaa awoodaha hay’adaha sare ee dowladda, isla markaana wuxuu xoojinayaa nidaamka sharciyadda iyo maamulka dalka. Qodobbada muhiimka ah ee dastuurkaan waxaa ka mid ah:

Doorashada Madaxweynaha: Madaxweynaha ayaa xilka hayn doona laba muddo xileed oo mid walba yahay shan sano, waxaana doorashadiisu ka dhici doontaa Baarlamaanka.

Doorashada xubnaha Baarlamaanka: Nidaam cusub ayaa lagu xaqiijinayaa in doorashada xubnaha Baarlamaanka ay si buuxda uga turjumayso rabitaanka shacabka, iyada oo muwaadiniinta ay ka qeyb qaadan doonaan doorashada.

Qaab dhismeedka dowladda: Waxaa si cad loo qeexay xiriirka u dhexeeya Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, iyo Golaha Wasiirada, isla markaana la caddeeyey sida masuuliyiinta sare loo magacaabo iyo habka xil ka qaadistooda.

Kala saarista awoodaha fulinta, sharci dejinta, iyo garsoorka: Si loo xoojiyo nidaamka isla xisaabtanka ee hay’adaha dowladda iyo hufnaanta maamulka.

Awood qaybsiga u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada: Si loo xaqiijiyo iskaashi dhab ah oo ku dhisan wada tashi iyo masuuliyad.

Ansixinta Dastuurka cusub waxaa si weyn u taageeray xubno ka tirsan siyaasiyiinta, waxgaradka, iyo bulshada rayidka ah, kuwaasoo caddeeyey in dastuurkan uu yahay saldhig sharci oo dalka u horseedi doona xasilooni siyaasadeed, horumar, iyo dowladnimo hufan.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *