Maanta oo ay taariikhdu tahay 03/07/2025, Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) wuxuu si rasmi ah u bilaabay Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha ee Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo ay si rasmi ah u daah-fureen isuna Diiwaangeliyeen Madaxweynayaasha labada Dowlad Goboleed: Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo Mudane Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor).
