Dowladda Federaalka oo Taliye Cusub u Magacowday Gobolka Baay

dukandaran
2 Min Read

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday isbeddel muhiim ah oo lagu sameeyay hoggaanka amniga ee Gobolka Baay, ayada oo Taliyaha Qeybta Booliska ee gobolkaas loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Sadiiq Aadan Cali, oo loo garan ogyahay Duudishe.

Magacaabista sarkaalkan ayaa timid ka dib markii xilkii laga qaaday taliyihii hore ee gobolkaas, Amiin Mad daruur. Wararka ayaa sheegaya in xil ka qaadista Mad daruur ay timid markii uu lumiyay kalsoonida Taliska Guud, ka dib markii uu ku gacan sayray awaamiir uga timid dhanka Muqdisho, isagoo door biday inuu garab istaago hoggaanka madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, oo xilligan khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo dowladda dhexe.

G/Dhexe Sadiiq Duudishe ayaa ah sarkaal rug caddaa ah oo muddo ku dhow 20 sano ka tirsanaa Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, isagoo xilkan ku soo beegmay xilli aad u xasaasi ah. Sarkaalkan cusub ayaa aqoon durugsan u leh howlaha amniga, maadaama uu tababarro heer sarkaal ah ku soo qaatay dalka dibadiisa intii u dhaxeysay sannadihii 2007 ilaa 2010.

Intii uu ku jiray adeegga ciidanka, Duudishe wuxuu soo qabtay xilal sarsare oo ay ka mid yihiin Afhayeenka Boliiska Soomaaliyeed, Taliye Xigeenka CID da, iyo Taliye Xigeenka Hoggaanka Howlgallada Boliiska. Khibraddiisa ballaaran ayaa loo arkaa inay tahay mid wax weyn ka beddeli doonta hannaanka amniga iyo wada shaqeynta ciidanka ee Gobolka Baay.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *