


Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Daahfurkan ayaa qayb ka ah qorshaha lagu xoojinayo ka qeybgalka shacabka iyo geeddi socodka doorashooyinka dalka, iyadoo muwaadiniinta degmada lagu dhiirrigelinayo inay isdiiwaangeliyaan si ay mustaqbalka uga qeyb qaataan doorashooyinka.
Munaasabadda daahfurka waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Doorashooyinka iyo maamulka degmada Matabaan. Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in diiwaangelinta codbixiyeyaashu ay laf dhabar u tahay hannaan doorasho oo hufan, isla markaana ay muwaadiniinta siinayso fursad ay codkooda si sharci ah ugu dhiiban karaan.
Maamulka degmada Matabaan ayaa sidoo kale muujiyay taageerada ay u hayaan ololahan, iyagoo bulshada ugu baaqay inay si weyn uga faa’iideystaan fursadda diiwaangelinta.
Ololahan cusub ee laga daahfuray Matabaan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo sare u qaadaysa wacyiga bulshada, kana qeyb qaadanaysa dhismaha nidaam doorasho oo ku saleysan ka qeybgal, kalsooni iyo matalaad rasmi ah.