Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Kaararka Codbixinta Gaarsiiyey Degmooyin Ka Tirsan Hirshabelle

dukandaran
1 Min Read

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa maanta si rasmi ah kaararka codbixinta u gaarsiiyey afar degmo oo muhiim ah oo ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle, kuwaas oo kala ah: Jowhar, Balcad, Warshiikh iyo Cadalle.

Wafdigan oo ay hoggaaminayeen Guddoomiye Cabdi Caddoow iyo Af hayeenka Guddiga, Cabdifataax Faysal, ayaa kormeeray goobaha loogu talagalay in dadweynuhu ka qaataan kaararka, iyagoo kulamo la qaatay maamullada degmooyinka iyo qaybaha bulshada.

Guddoomiye Cabdi Caddoow ayaa ku dhiirrigeliyey dadweynaha degmooyinkaas inay u soo baxaan qaadashada kaararka, isagoo xusay in kaarku yahay furaha kaliya ee muwaadinku ku go’aamin karo mustaqbalka hoggaanka degaankiisa.

Sidoo Af hayeenka Guddiga, Mudane Cabdifataax Faysal, ayaa carrabka ku adkeeyey inay muhiim tahay in bulshadu isku diyaariyaan maalmaha doorashada, isagoo codsaday in la xoojiyo wacyigelinta si qof kasta oo diwaangashan uu u helo kaarkiisa codeynta.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha weyn ee GMDQ uu ku doonayo in doorashooyinka Golayaasha Deegaanka lagu qabto mudadii loogu talagalay.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *