


Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug soo gaarsiiyay kararka
cod bixiyayaasha, kuwaas oo loogu talagalay muwaadiniintii iska diwaangeliyey degmooyinka maamulkaas.
Kararkan ayaa qayb ka ah qorshaha ballaaran ee lagu hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah, waxaana la filayaa in dhowaan la gaarsiiyo dhammaan degmooyinka iyo dadweynihii horay u maray hannaanka diwaangelinta.
Cismaan Geele Jaamac oo ka mid ah hawl wadeennada Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, oo la hadlay warbaahinta, ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha qaybinta. Waxa uu xaqiijiyay in kararkan loogu talagalay dadkii laga diwaangeliyey degmooyinka Galmudug, isagoo intaas ku daray in qaybo kale oo kararka ka mid ah ay soo gaari doonaan caasimadda maalmaha soo socda.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in guddigu ay dhowaan si rasmi ah u shaacin doonaan xilliyada ay doorashadu ka bilaabanayso deegaannada Galmudug, gaar ahaan goobihii ay horey uga qabsoontay diwaangelinta cod bixiyayaasha.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid xoojinaysa ififaalaha doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda, taas oo loogu gudbayo nidaam dimuqraadi ah oo muwaadinku uu si toos ah u dooranayo wakiilladiisa. Guddiga ayaa horay ugu guuleystay in ay diwaangeliyaan kumanaan shacab ah oo u heellan inay ka qayb qaataan go’aan ka gaarista mustaqbalka deegaannadooda.
Dhaqdhaqaaqan ka socda Dhuusamareeb ayaa muujinaya diyaar garowga ugu dambeeya ee loogu jiro sidii looga dhabayn lahaa qorshaha doorashooyinka qaranka ee dalku u jiheystay.