Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Shaaciyay Xilliga la Dhaarinayo Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

dukandaran
2 Min Read

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka, xubno ka tirsan Guddiga iyo Xoghayaha Guud, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay madaxda ururadii siyaasadeed ee ku tartamay doorashadii golaha deegaanka ee gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cabdikariim ayaa shaaca ka qaaday in 390 xubnood oo ka soo gudbay tartankii doorashada, kana kala socda 20-kii urur siyaasadeed, la dhaarin doono maalinta Khamiista ah oo ku beegan 2 April.

Kulanka maanta ayaa lagu soo bandhigay ajende ka kooban saddex qodob oo kala ah:

  • In la dhaariyo 390-ka xubnood ee guuleystay.
  • In xubnaha la dhaariyay la siiyo tababar ku saabsan waajibaadkooda iyo mas’uuliyadda saaran, kaas oo bilaaban doona Sabtida, 4 April.
  • In la guda galo doorashada guddoomiyeyaasha iyo ku xigeennada 16-da degmo ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in dalku leeyahay shuruuc hagaya doorashooyinka, isagoo caddeeyay in Guddiga Doorashooyinka Qaranku yahay hay’adda kaliya ee sharci ahaan u leh qabashada doorashooyinka dalka. Wuxuu si cad u sheegay in doorasho kasta oo aan guddigan lagu qaban aysan noqon doonin mid sharci ah, isagoo daliishanaya Qodobka 82-aad ee Dastuurka Dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyuhu wuxuu xusay in doorashadii hore ay ka qeyb galeen ku dhowaad 900,000 oo qof, wuxuuna rajo ka muujiyay in nidaamka cusub uu meesha ka saaro qaladaadkii hore. Bulshada ayaa loogu baaqay inay ka qeyb qaataan hannaanka doorashooyinka, isla markaana ay goob-joog ka noqdaan munaasabadda dhaarinta ee dhici doonta 2 April.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *