Guddiga Madax-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qabtay kulan dadweyne oo diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Intii uu kalanka socday ayaa xubnaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb waxay kaga jawaabeen su’aalaha ay qabaan bulshada ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ee la xiriira ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka bilowday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.


