Soohdimaha ayaa tababar ugu soo xiray Degmada Afgooye howlwadeennada diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Inta uu socday tababarka howlwadeennada diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa lagu baray casharro iyo khibrado la xiriira sidii ay si hufan ugu qaban lahaayeen hawsha diiwaangelinta iyo ku shaqaynta qalabka casriga ah ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

