Soohdimaha oo Degmada Wanlawayn ku tababaraya Shaqaalaha Diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Muqdisho, 23, August, 2025: Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta tababar uga furay Degmada Wanlawayn ee gobolka Shabeellada Hoose howlwadeennada diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Tababarkan oo ah mid muhiim u ah hirgelinta doorashada qof iyo cod, ayaa diiradda lagu saarayaa sidii howlwadeennadu u heli lahaayeen xirfado iyo aqoon casri ah oo la xiriirta hawsha diiwaangelinta, gaar ahaan ku shaqaynta qalabka elektaroonigga ee casriga ah.
Xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah u daahfuray tababarka, iyagoo howlwadeennada kula dardaarmay in ay si dhab ah uga faa’iidaystaan aqoonta iyo casharrada la siinayo, maadaama ay saldhig u tahay guusha hawlgalka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.




