Soohdimaha ayaa Kulan looga hadlayay wacyigalinta dadwaynaha ee diiwaangalinta codbixiyeyaasha ku qabtay magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellada Hoose.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qayb galay Odayaasha dhaqanka, Maamulka Magaalada, iyo qaybaha kale ee bulshada, kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii shacabka magaalada Marka iyo deegaannada ku xeeran ugu qayb qaadan lahaayeen ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo maalmaha soo socda ka bilaabanaya magaalada Marka iyo deegaannada hoos yimaada.




