Soohdimaha ayaa tababar uga furay Degmada Xeraale Howlwadeennada Diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Tababarkan oo ah mid muhiim u ah hirgelinta doorashada qof iyo cod, ayaa diiradda lagu saarayaa sidii Howlwadeennadu u heli lahaayeen xirfado iyo aqoon casri ah oo la xiriirta hawsha diiwaangelinta, gaar ahaan ku shaqaynta qalabka elektaroonigga ee casriga ah.




