Soohdimaha (GMDQS), isagoo tixraacaya warsaxaafadeedkii ay soo saareen ururrada siyaasadeed ee kala ah Samadoon, Dhulka Hooyo, iyo Xaqsoor taariikhdu markay ahayd 15-kii Oktoobar 2025, kaas oo lagu soo bandhigay cabashooyin iyo eedeymo la xiriira nidaamka diiwaangelinta codbixiyayaasha, madaxbannaanida iyo hufnaanta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha iyo sidoo kale hab-raaca guud ee diyaarinta doorashooyinka golayaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir.
Haddaba, Guddigu wuxuu idiinku yeerayaa kulan rasmi ah si aad Guddiga hortiisa uga caddeysaan eedeymaha iyo cabashooyinkii aad ku sheegteen warsaxaafadeedkiinna.