Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo…..

introvertmustafa
1 Min Read

Soohdimaha ayaa maanta Degmada Warshiikh ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan Degmada Warshiikh ayaa si rasmi ah ugu daahfuray Degmada ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sidoo kale daahfurka waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Degmada.

Xubnaha Guddiga iyo masu’uuliyiinta ayaa bulshada ku nool Degmada iyo deegaannada ku xeeran ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay u dhiibtaan codkooda maalinta doorashada taas oo ah xuquuq dastuuri ah ee ay leeyihiin.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *