oohdimaha ayaa maanta degmada Waajid ee gobolka Bakool ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan degmada Waajid ayaa si rasmi ah uga daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Sidoo kale, daahfurka waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, iyo Maamulka degmada Waajid.
Xubnaha guddiga iyo mas’uuliyiinta ayaa bulshada ku nool degmada iyo deegaannada ku xeeran ugu baaqay inay ka qaybqaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay u gutaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee ah inay codkooda dhiibtaan maalinta doorashada.



