Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo…..

introvertmustafa
1 Min Read

Soohdimaha oo kulan la qaatay Ururrada Naafada

Muqdisho, 29 Oktoobar 2025: Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaar ka mid ah Ururrada Naafada, kulankaan oo ka dhacay xarunta dhexe ee Guddiga ayaa waxaa shir guddoominayey Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Mudane Saadiq Abshir Garaad, waxaana ka soo qayb-galay qaar ka mid ah xubnaha Guddiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wacyigelinta iyo sidii loo xaqiijin lahaa in dadka naafada ah ay si buuxda uga qeyb-galaan hannaanka doorashooyinka, loona fududeeyo helitaanka adeegyada iyo macluumaadka doorashada.

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane Saadiq Abshir Garaad, ayaa ballanqaaday in Guddigu sii wadi doono wada-shaqeynta iyo taageerada ururrada naafada si loo hubiyo in codka iyo ka-qaybgalka bulshada naafada ah uu noqdo mid muuqda oo saameyn ku leh hannaanka dimuqraadiyadda.

Dhankooda, Ururrada Naafada ayaa Guddiga uga mahadceliyey dadaalka uu ku bixinayo horumarinta hannaanka doorasho ee loo siman yahay, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay door muuqda ka qaataan wacyigelinta bulshada.

––– Dhammaad –––

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQ&S).

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *