Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo…..

introvertmustafa
2 Min Read

Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah uga daah-furay degmooyinka Shangaani, Cabdicasiis, Shibis, Waabari, Xamar-weyne, Xamar-Jajab iyo Boondheere bixinta Kaararka Codbixinta ee doorashooyinka dalka.

Daahfurkan ayaa ka mid ah dadaallada Guddiga ee lagu dardar-gelinayo hirgelinta doorashooyin hufan, lagu kalsoonaan karo, islamarkaana u oggolaanaya muwaadiniinta Soomaaliyeed inay si buuxda uga qayb qaataan codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, oo kaar bixinta ka daah-furay degmada Boondheere ayaa ku booriyey muwaadiniinta Soomaaliyeed ee horay isu diiwaangeliyey ee ku nool degmooyinka maanta laga bilaaabay kaar bixinta inay qaataan kaarka codbixinta si ay codkooda u dhiibtaan maalinta doorashada taas oo ah xuquuq dastuuri ah ee ay leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir waxaan ku dhiiri-gelinayaa in ay qaataan kaarka codbixinta si ay codkooda u dhiibtaan maalinta doorashada”. Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Banaadir mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo goob joog ka ahaa daah-furka.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa sidookale xusay in kaarka codbixintu yahay dukumentiga kaliya ee xaqiijinaya ka qayb-qaadashada codbixinta maalinta doorashada.

Guddiga wuxuu mar kale adkaynayaa muhiimada ay leedahay in muwaadiniintu helaan kaarka codbixinta, si loo xaqiijiyo ka qaybgal doorasho oo buuxa iyo hannaan doorasho oo daahfuran.

––– DHAMMAAD –––

Omar Mohamed Omar Omar Hunday

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *