Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Kusoo Bandhigidda Liistada Degmooyinka ee Doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Dawlad Goboleedyada Soomaaliya

dukandaran
2 Min Read

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa uu si rasmi ah ugu wargelinayaa umadda Soomaaliyeed iyo dhammaan ururrada siyaasadda liistada saxda ah ee degmooyinka ay ka qabsoomi doonto doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Dawlad Goboleedyada dalka. Tani waa qayb ka mid ah dadaallada Guddiga ee ku aaddan xaqiijinta iyo hufnaanta doorashooyinka dalka, gaar ahaan doorashooyinka heer degmo ee ka dhici doona deegaannada dawlad goboleedyada.

Si kastaba ha ahaatee, Guddigu waxa uu sidoo kale ku wargelinayaa shacabka Soomaaliyeed in jadwalkii hore ee la shaaciyey uu ku jiray qalad farsamo oo dhacay intii lagu guda jiray diyaarinta liistada degmooyinka. Qaladkan farsamo ayaa sababay in degmada Goldogob, oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, si khalad ah loogu daray liistada degmooyinka, iyadoo doorashada Golaha Deegaanka ee degmada Goldogob horey uga dhacday taariikhdu markay ahayd 25-ka May 2023.

Sidaas darteed, Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa uu caddeynayaa in degmada Goldogob aysan ku jirin jadwalka cusub iyo listiyada degmooyinka ee doorashooyinka Golaha Deegaanka ee la shaaciyey. Tallaabadani waxay qayb ka tahay in lasaxo qalad kasta si loo hubiyo in dadka Soomaaliyeed ay helaan xog sax ah iyo in nidaamka doorashooyinka uu yahay mid lagu kalsoonaan karo.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxa uu mar kale xaqiijinayaa in uu si hufan, daahfuran, iyo sharciyan u hogaaminayo howsha doorashooyinka ee dalka, isagoo sidoo kale ka cudur daaranaya qaladka farsamo ee dhacay. Guddigu waxa uu ku adkeynayaa in ay sii wadi doonaan dadaallada lagu xaqiijinayo doorashooyin daahfuran oo ku saleysan sharciga dalka, iyadoo la raacayo habraacyada iyo nidaamyada doorasho ee horay loo dejiyey.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *