NIEBC
GMDQS
GUDDIGA MADAXA BANNAAN EE DOORASHOOYINKA QARANKA IYO SOOHDIMAHA
Tariikh : 03/12/2025
Fududeynta Olo
Wargelin Sharciyeed: Fududeynta Ololaha Doorashada &
Qaadashada Kaadhka Codbixiyaha.
GMDQS, isaga oo fulinaya waajibaadka Dastuuriga ah iyo awoodaha sharci ee ku xusan Qodobada 46aad iyo 47aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka, waxa uu ku wargelinayaa Maamullada Degmooyinka Gobolka Banaadir in ay noqdaan fududeeyayaal xaqiijiya xornimada ololaha Ururrada Siyaasadda iyo helitaanka Kaadhka Codbixiyaha, iyadoo la ilaalinayo anshaxa, hufnaanta, iyo xasiloonida bulshada.
2615
Tilmaamo Sharci iyo Digniin
- Ururrada Siyaasadda iyo Musharaxiintoodu waxay xaq u leeyihiin olole doorasho oo xor ah, sharci, iyo anshax ku dhisan, lagumana sameyn karo wax kasta oo loo fasiran karo faragelin ama is-hortaag siyaasadeed.
- Maamullada Degmooyinka waa in ay fududeeyaan qaadashada Kaadhka Codbixiyaha goobaha loo asteeyay, ayna si dhow ula shaqeeyaan Ururrada Siyaasadda iyo Hay’adaha Amniga si loo xaqiijiyo jawi nabdoon.
- GMDQS waxaa uu tixgelinayaa cabashooyinka sharciyeysan ee Ururrada, balse uma dul-qaadan doono eedeymo ama cabashooyin keeni kara hurin bulsho, carqalad amni, ama dhaawac ku yimaada hufnaanta, kalsoonida iyo danta
guud ee doorashada. INDEPENDENT - Maamullada Degmooyinka waxaa la xasuusinayaa in doorkoodu yahay Fududeyayaal (Facilitators) ee uusan ahayn Carqaladeeyayaal (Obstructors), lagana filayo dhex-dhexaadnimo, mas’uuliyad wadashaqeyn lagu aammaani karo iyo dhawrista sharciga.
Gunaannad
NIEBC
GMDQS waxaa uu ku kalsoon yahay in Maamullada Degmooyinka Gobolka Banaadir ay sii adkeyn doonaan iskaashiga iyo fududeynta geedi-socodka si muwaadiniintu u helaan adeeg doorasho oo siman, hufan, oo ammaan ah.
-Dhamaad-
Facebook: @NIEBCSOM
XSpace: @NIEBCSomalia
Website: niebc.gov.so
Hi, this is a comment.
To get started with moderating, editing, and deleting comments, please visit the Comments screen in the dashboard.
Commenter avatars come from Gravatar.