Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo booqasho ku yimid Xarunta Dhexe ee Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Muqdisho, 30, Oktoobar 2025:-Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Cabdikariim Axmed Xasan iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Mudane Saadaq Abshir Garaad oo ay wehlinayaan xubnaha Guddiga ayaa si diirran ugu soo dhaweeyey xarunta dhexe ee Guddiga Ku-simaha Madaxweynaha JFS ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo maanta booqasho ku yimid Xarunta Dhexe ee Guddiga.
Gudoomiyaha Guddiga Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa ku-simaha Madaxwaynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ugu warbixiyey qorshayaasha Guddiga ee mustaqbalka iyo Howlaha Qorshaha dhow ee qabashada doorashada Golaha deegaanka ee gobolka Banaadir.
Intii uu Ku-simaha Madaxwaynaha ku sugnaa xarunta,guddiga ayaa waxaa loo sameeyay kormeer indha-indheyn ah oo uu ku tagay qaybo ka mid ah xarunta, sida:
• Qeybta Saadka iyo Qalabka Doorashada.
• Xarunta Tababarka Shaqaalaha.
• Qeybta Daabacaadda Kaararka Codbixinta, iyo
• Xarunta Kaydinta Xogta ee Data Center-ka.
Guddoomiyaha Guddiga ayaa uga mahadceliyey Ku-simaha Madaxwaynaha booqashada iyo dhiirrigelinta uu u muujiyay Guddiga, isagoo xusay in ay Guddiga ay ka go’an tahay in si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran ee ah qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.
Ku-simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa ku ammaanay Guddiga dadaalka iyo shaqada hufan oo ay u hayaan dalka iyo dadaalka naf hurnimada leh oo uu Guddigu ku bixinayo xaqiijinta Himilada ah in Shacabka Soomaaliyeed loo celiyo mid kamid ah Xuquuqdooda Aasaasiga ah oo ah in ay Doortaan Madaxdooda.
Sidoo kale Ku-simaha MJFS ahana Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Baarlamaanka JFS uu si buuxda u taageersanyahay hawlaha Guddiga ee ku aaddan hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah.
––– Dhammaad –––





