Munaasabadda Soo Bandhigista Warbixinta Qiimeynta Madaxa….

introvertmustafa
2 Min Read

bannaan ee Farsamada Nidaamka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Nidaamka Xaqiijinta Codbixinta

Muqdisho, 04, 11, 2025:- Xarunta dhexe ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa lagu qabtay Munaasabad lagu soo bandhigaayey Warbixinta Qiimeynta Madaxa-bannaan ee Farsamada Nidaamka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Nidaamka Xaqiijinta Codbixinta.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qaybgalay madaxda sare ee Guddiga, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, wakiillo ka socda Ururrada siyaasadda, Ururrada bulshada rayidka ah iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeeddada munaasabaddan ayaa ahayd in lagu soo bandhigo natiijada qiimeyn madax-bannaan oo ay samaysay Shirkadda CERTI TRUST oo si qoto dheer u baartay hab-farsameedka iyo amniga nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo nidaamka xaqiijinta codeeyaha, Qiimeyntani waxay ahayd mid lagu xaqiijinayo hufnaanta, amniga, iyo kalsoonida nidaamka doorashooyinka ee dalka.

Shirkadda CERTI TRUST ayaa sidoo kale ku tilmaantay in qalabka iyo nidaamka uu Guddiga u adeegsaday hannaanka diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo hanaanka xaqiijinta Codeeynta uu yahay mid la aamini karo lehna awood buuxda oo isaga difaaci karo in lagu soo xadgudbo ama lajabsado Xogta ku keydsan, Shirkadda ayaa sidookale sheegtay in Systemka ama agabka Diiwaangelinta uu adeegsaday Guddiga yahay mid waafaqsan heerka caalamiga ah ee hufnaanta iyo tayada loo baahanyahay.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan oo ka hadlayay Xafladda ayaa sheegay in Guddigu uu ku faraxsanyahay islamarkaana uu aqbalay natiijada Qiimeynta Madaxda banaan oo ay Shirkaddu sameysay, Guddiguna uu mar walba diyaar u yahay inuu Bulshada Soonaaliyeed iyo cidkasta oo tabasha qabto inuu u xaqiijiyo hufnaanta iyo daah furnaanta Doorashada.

––– Dhammaad –––

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQ&S).

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *