Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee deggan magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug waxaa la ogaysiinayaa in dhammaan goobahaan hoos ku xusan ay barri oo ay taariikhdu tahay 02/07/2025, ay si rasmi ah ugu bilaaban doonta diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
1. Xarunta Maamulka ee Degmada Dusamareeb.
2. Xarunta Xaafadda Waxara Cadde ee Dhusamareeb
3. Xarunta Xaafadda Waabari ee Dhusamareeb
4. Xarunta Iskuulka Nuurul -Iimaan ee Deg. Dhusamareb
5. Xarunta Xaafadda Dayax ee Deg. Dhusamareeb
6. Xarunta Dugsiga Sare ee Galgaduud ee Deg. Dhusamareeb
7. Xarunta Xaafadda Horseed ee Deg. Dhusamreeb
8. Xarunta Xaafadda Hodan ee Deg. Dhusamareeb.
Muwaadin is-diiwaangeli oo iska diiwaangeli goobta kugu dhaw ee ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si aad u hesho xuquuqdaada dastuuriga ah ee codbixinta.
Mahadsanidiin.




