OGAYSIIS

introvertmustafa
1 Min Read

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee deggan Degmada Walaweyn waxaa la ogaysiinayaa in dhammaan goobahaan hoos ku xusan ay maalinta Sabtida oo ay taariikhdu tahay 30/08/2025, ay si rasmi ah ugu bilaaban doonta diiwaangelinta codbixiyeyaasha Degmada Walaweyn.

1. Xarunta Imaam Nawawi Iskuul ee Deg: Walaweyn.

2. ⁠ Xarunta Ibnu-Mubaarak Iskuul ee Deg: Walaweyn.

3. ⁠Xarunta Mujamaca-Imaam Shaafici Iskuul ee Deg: Walaweyn.

4. Xarunta Walaweyn Iskuul.

5: Xarunta Degmada Walaweyn.

Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxaa ka go’an in dhammaan gobolada Dalka laga hirgaliyo doorasho Qof iyo Cod ah,si ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta, ayna u go’aamiyaan mustaqbalka siyaasadeed ee Dalka.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *