Dhammaan Maamulka sare iyo Hawlwadeennada Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha (GMDQS) oo ugu horeeyo Gudoomiyaha Guddiga Mudane Abdikarim Ahmed Hassan waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Guddoomiyihii hore ee GMDQ, Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), oo uu wiilkeedii Ayaanle Cabdullaahi Canshuur ku geeriyooday dalka Maraykanka.
Waxaan ALLE uga baryeynaa inuu marxuumka naxariistiisa Janno ku maneysto, ehelka iyo qaraabadiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin.



