Talo-gelinta Ururrada Siyaasadda ee habka Magacaabista Murashaxiinta….

introvertmustafa
1 Min Read

Muqdisho, 24, September, 2025:- Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabtay kulanka ka talo-gelinta Ururrada Siyaasadda ee habka magacaabista Murashaxiinta.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay guddi hoosaadka Ururrada Siyaasadda iyo xisbiyada, madaxda Ururrada Siyaasadda sharciga ah ee u diiwaangashan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha iyo mas’uuliyiin kale.

Diiwaan haayaha guud ee xafiiska diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda/xisbiyada mudane Maxamed Axmed Xaydare ayaa sharaxaad ka bixiyey u jeeddada kulanka iyo muhiimadda uu u leeyahay Howlaha socda ee dooradhooyinka.

Gudoomiyaha Guddi hoosaadka Howlgalka Doorashooyinka ahna ku-simaha Gudoomiyaha Guddiga mudane Maxamed Aamiin Xasan Cabdullahi oo furay kulanka ayaa Ururrada Siyaasadda ugu baaqay in ay ilaaliyaan sharciga iyo xeerarka Dooradhooyinka Dalka.

Intaasi kadib waxaa la guda galay ka doodista diiwaangelinta Murashaxiinta iyo Astaamaha Ururrada Siyaasadda.

Ugu dambayn Xubanaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Ururrada Siyaasadda ka shaafiyey su’aalihii ay qabeen ee ku saabsanaa habka magacaabista murashaxiinta.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *