Degmada Kaaraan ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay doorashadii Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir. Wadarta guud ee codadka la dhiibtay waxay ahayd 40,233, kuwaas oo 36,583 ay noqdeen codad ansax ah, halka 3,650 cod ay noqdeen kuwo xumaaday.
Natiijada rasmiga ah waxay muujisay in ururka Caddaaladda iyo Wadajirka uu helay codadka ugu badan (20,589), waxaana ku xigay Dib-u-Heshiisiinta iyo Hormarinta Towfiiq (4,038), Ramaas (2,254), Karaama (2,077), iyo Sincad (1,797). Ururrada kale ee siyaasadeedna waxay heleen codad kala duwan sida ku cad natiijada ay shaacisay Guddiga Doorashooyinka.