Degmada Waaberi ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay doorashadii Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir. Wadarta guud ee codadka la dhiibtay waxay ahayd 6,188, kuwaas oo 5,969 ay noqdeen codad ansax ah, halka 219 cod ay noqdeen kuwo xumaaday.
Natiijada rasmiga ah waxay muujisay in ururka Caddaaladda iyo Wadajirka uu helay codadka ugu badan (2,968), waxaana ku xigay Ramaas (800), Sincad (556), Karaama (504), iyo Horumar iyo Midnimo Qaran (407). Ururrada kale ee siyaasadeedna waxay heleen codad kooban sida ku cad natiijada ay shaacisay Guddiga Doorashooyinka.