Degmada Wadajir ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay doorashadii Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir. Wadarta guud ee codadka la dhiibtay waxay ahayd 22,639, kuwaas oo 20,359 ka mid ah ay noqdeen codad ansax ah, halka 2,280 cod ay noqdeen kuwo xumaaday.
Natiijada rasmiga ah waxay muujisay in ururka Caddaaladda iyo Wadajirka uu helay codadka ugu badan (10,247), waxaana ku xigay ururka Karaama (3,083) iyo Ramaas (1,758). Ururrada kale ee siyaasadeedna waxay heleen codad kala duwan sida ku cad natiijada ay shaacisay Guddiga Doorashooyinka.