WARBIXINTA GUUD EE NATIIJADA DOORA SHOOYINKA GOBOLKA BANAADIRDEGMADA XAMARWEYNE.

introvertmustafa
1 Min Read

Degmada Xamarweyne ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay doorashadii Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir. Wadarta guud ee codadka la dhiibtay waxay ahayd 6,300, kuwaas oo 4,415 ay noqdeen codad ansax ah, halka 1,885 cod ay noqdeen kuwo xumaaday.

Natiijada rasmiga ah waxay muujisay in ururka Caddaaladda iyo Wadajirka uu helay codadka ugu badan (1,101), waxaana ku xigay Dib-u-Heshiisiinta iyo Hormarinta Towfiiq (678), Karaama (510), Ramaas (451), iyo Horumar iyo Midnimo Qaran (296). Ururrada kale ee siyaasadeedna waxay heleen codad kala duwan sida ku cad natiijada ay shaacisay Guddiga Doorashooyinka.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *