Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan GMDQS ayaa maanta magaalaada Baydhabo ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si rasmi ah uga bilowday Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.


