Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan oo Tababar u Furay Xubnaha Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, Kuwaas oo Isu Diyaarinya Doorashada Hoggaanka

dukandaran
2 Min Read

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, ayaa maanta si rasmi ah tababar ugu furay xarunta dhexe ee guddiga xubnaha cusub ee Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir. Munaasabadda furitaanka tababarkan waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, iyo mas’uuliyiin kale oo sare.

Guddoomiyaha oo madasha ka hadlay ayaa munaasabaddan ku tilmaamay maalin weyn iyo guul weyn oo u soo hoyatay dimuqraadiyadda dalka, isagoo caddeeyay in tababarkani uu yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka hannaanka qof iyo cod. Tababarka oo socon doona muddo afar maalmood ah, una qaybsan afar qaybood oo kala duwan, ayaa xubnaha loogu tababari doonaa xeerarkii ay ku shaqayn lahaayeen ee ay soo ansixiyeen Golaha Wasiirada, sharciyada u dhigan ururada dhexdiisa, iyo qaabka wada-shaqaynta ee ka dhaxaysa ururada iyo golaha deegaanka.

Mudane Cabdikariim Axmed Xasan ayaa tilmaamay in tababarkan ka dib, marka laga soo laabto fasaxa Ciidda, ay xigi doonto doorashada hoggaanka golaha deegaanka si ay u bilaabato shaqada rasmiga ah ee shanta sano ee soo socota, iyadoo loo raacayo xeerarka iyo shuruudaha dalka u yaalla.

Guddoomiyaha ayaa dib u jaleecay taariikhda geeddi socodkan, isagoo xasuusiyay in shaqadan ay soo bilaabatay bishii Janaayo ee sannadkii hore, markaas oo la bilaabay diwaangelinta codbixiyayaasha oo markii dambe gaartay ku dhawaad hal milyan oo qof. Wuxuu ammaanay dadaalkii weynaa ee la sameeyay, isagoo xusay in iftiinkii dimuqraadiyadeed ee ka bilowday degmada Shinkaale uu maanta gaaray inta u dhaxaysa Maajid iyo Bala, bisha soo socotana la qorsheynayo in la gaarsiiyo Galkaacyo ilaa Ceelcif, ka dibna loo sii gudbin doono Laascaanood ilaa gobollada Jubbaland.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha GMDQS wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dalku uu u jihaystay doorasho qof iyo cod ah, awooddiina ay dib ugu laabatay gacanta shacabka, isagoo ballan-qaaday in hannaankan la haysan doono laguna adkeysan doono, maadaama xalka Soomaaliya uu muddo 25 sano ah ku xirnaa furahan doorashada tooska ah.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *