GUDDIGA NIEBC OO SOO SAARAY JADWALKA DOORASHADA GUDDOONKA IYO HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED

dukandaran
2 Min Read

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, isagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ku aaddan qabashada, maamulista iyo isku dubaridka doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed, wuxuu si rasmi ah u soo saaray Jadwalka Guud ee Doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada iyo Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddigu, isagoo ka ambaqaadayay xaqiijinta geeddi socod dimuqraadi ah, kuna dhisan cadaalad iyo sinnaan, wuxuu u muddeeyay fulinta jadwalka doorashada labada heer sidatan:

Hannaanka doorashada maamulka Baarlamaanka Koonfur Galbeed wuxuu billaawday 25-ka May, iyadoo la shaacin doono Liiska rasmiga ah ee Golaha Wakiilada. Hawlaha diyaarinta xubnaha, dhaarinta xildhibaanada, iyo qabashada araajida musharixiinta ka dib, waxaa doorashada Guddoonka Golaha Wakiilada la qaban doonaa 2-da June.

Hannaanka doorashada Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed wuxuu si rasmi ah u billaaban doonaa 4-ta June, iyadoo la guddoomi doono araajida musharixiinta u taagan xilkaas. Ka dib markii la dhageysto hadal jeedinta musharixiinta, guddigu wuxuu u asteeyay in cod bixinta kama dambaysta ah ee Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka ay qabsoonto 10-ka June.

Guddiga NIEBC wuxuu adkaynayaa sida ay uga go’an tahay in doorashadani ay u dhacdo si waafaqsan xeerarka iyo hab raacyada u degsan, wuxuuna ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada ay khuyseyso inay muujiyaan iskaashi buuxa si loo xaqiijiyo doorasho xalaal ah oo horseedda xasillooni iyo horumar.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *