Qaramada Midoobay oo Ku Baaqday in la Sii Wado Wada hadalladii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

dukandaran
1 Min Read
UN secretary general Antonio Guterres (L) and Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud shake hands at the Presidential palace, Villa Somalia, in Mogadishu on April 11, 2023. - UN Secretary-General Antonio Guterres arrived in Mogadishu on Tuesday to kick off a brief visit to Somalia, a country scarred by protracted armed conflict and climate disasters. (Photo by Hassan Ali ELMI / AFP) (Photo by HASSAN ALI ELMI/AFP via Getty Images)

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladaha siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan wada hadalladii dhawaan dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Guud uu soo dhaweynayo diyaar garowga labada dhinac ee wada hadalka, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii wadaan wada xaajoodka si loo gaaro heshiis waara oo ku saabsan hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha masiiriga ah ee la xiriira.

Sidoo kale, Qaramada Midoobay ayaa muujisay muhiimadda ay leedahay in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay ku gaaraan is afgarad wadajir ah, kaas oo lagu xoojinayo xasilloonida dalka, islamarkaana lagu hubinayo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, kalsoonina lagu qabi karo.

Baaqan ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa imanaya xilli ay weli taagan yihiin doodaha iyo khilaafaadka siyaasadeed ee la xiriira nooca doorashooyinka dalka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *