Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Dowlad Goboleedka Galmudug ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan GMDQS ayaa maanta magaalaada Dhuusamareeb ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si rasmi ah uga bilowday Dowlad goboleedka Galmudug.



