Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa Dowlad Goboleedka Hirshabelle ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe, oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan GMDQS ayaa maanta magaalaada Jowhar ka daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo si rasmi ah ugu bilowday Dowlad goboleedka Hirshabelle.



