Commissioner Farxiyo Maxamed oo ah xubin ka tirsan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa ka qeyb gashay barnaamij dood wadaag ah oo ay soo qaban qaabisay warbaahinta Bilan Media oo ah warbaahin ay leeyihiin Haween Soomaaliyeed ayna ka shaqeeyaan.
Barnaamijka oo ahaa barnaamij dood wadaag ah ayaa ku saabsanaa fahamka doorashada ee dadwaynaha iyo doorka Haweenka ayaa intii uu socday dadwaynihii ka soo qaybgaylay ay ku soo bandhigeen su’aalo la xiriira arimaha Doorashooyinka.
Commissioner Farxiyo Maxamed oo Guddiga ku matalaysay kulanka dood wadaagga ah ayaa dadwaynihii kaga jawaabtay su’aalaha la xiriiray arimaha Doorashooyinka, iyada oo Haweenka Soomaaliyeed ku dhiirigilisay in ay ka qayb qaataan ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee ka socota dalka si ay codkooda u dhiibtaan marka la gaaro doorashada.


