Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah Degmada Baraawe ugu daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan Baraawe ayaa si rasmi ah Degmada Baraawe ugu daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sidoo kale daahfurka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirasan BJFS iyo mas’uuliyiin ka socotay Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Masu’uuliyiinta ayaa bulshada reer Baraawe ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay u dhiibtaan codkooda oo ah xuquuq dastuuri ah ee ay leeyihiin.




