Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee deggan Degmada Afgooye waxaa la ogaysiinayaa in dhammaan goobahaan hoos ku xusan ay barri oo ay taariikhdu tahay 16/08/2025, ay si rasmi ah ugu bilaaban doonta diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
1: Xarunta kacaanka ee Degmada Afgooye.
2: Xarunta Qaran Iskuul ee Degmada Afgooye.
3: Xarunta Dugsiga Sare ee Degmada Afgooye.
4: Xarunta Tadaamun Iskuul ee Degmada Afgooye.
Muwaadin is-diiwaangeli oo iska diiwaangeli goobta kugu dhaw ee ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si aad u hesho xuquuqdaada dastuuriga ah ee codbixinta.
Mahadsanidiin.


