Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee deggan Degmada Walaweyn waxaa la ogaysiinayaa in dhammaan goobahaan hoos ku xusan ay maalinta Sabtida oo ay taariikhdu tahay 30/08/2025, ay si rasmi ah ugu bilaaban doonta diiwaangelinta codbixiyeyaasha Degmada Walaweyn.
1. Xarunta Imaam Nawawi Iskuul ee Deg: Walaweyn.
2. Xarunta Ibnu-Mubaarak Iskuul ee Deg: Walaweyn.
3. Xarunta Mujamaca-Imaam Shaafici Iskuul ee Deg: Walaweyn.
4. Xarunta Walaweyn Iskuul.
5: Xarunta Degmada Walaweyn.
Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxaa ka go’an in dhammaan gobolada Dalka laga hirgaliyo doorasho Qof iyo Cod ah,si ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta, ayna u go’aamiyaan mustaqbalka siyaasadeed ee Dalka.


