iyo Soohdimaha ayaa gaaray Deegaannada Janaale, Ceeljaale, Buufow iyo shalanbood oo ka tirsan gobolka Shabellada Hoose islamatkaasna hoos yimaada Degmada Marka.
Xubbaha Guddiga ayaa waxaa wehlinaaya, Macalimiinta tababarka iyo GIS -ka oo ka shaqeyn doona tababaridda howl-wadeennada diiwaangelinta iyo isku xirka goobaha iyo qalabka diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxaa ka go’an in dhammaan gobolada Dalka laga hirgaliyo doorasho Qof iyo Cod ah. Si ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta, ayna u go’aamiyaan mustaqbalka siyaasadeed ee Dalka.


