Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo….

introvertmustafa
1 Min Read

Soohdimaha ayaa maanta si rasmi ah Degmada Walaweyn ee gobolka Shabellada Hoose ugu daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan Degmada Walaweyn ayaa si rasmi ah ugu daahfuray Degmada ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha, sidoo kale daahfurka waxaa goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay, Maamulka Degmada.

Diiwaangelinta ayaa laga daahfuray 5-goobood oo Ku yaala Degmada Wanlaweyn.

Xubnaha Guddiga iyo masu’uuliyiinta Degmada ayaa bulshada ku nool Degmada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, si ay u dhiibtaan codkooda maalinta doorashada taas oo ah xuquuq dastuuri ah ee ay leeyihiin.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *