Soohdimaha ayaa maanta Magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha mudane Saadiq Abshir Garaad oo uu wehlinaayo Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali(Firdhiiye) ayaa maanta magaalaada Laascaanood si rasmi ah ugu daah-furay ololaha diiwaangelinta codxiyeyaasha ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Guddiga Madaxa-Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxaa ka go’an in dhammaan gobolada Dalka laga hirgaliyo doorasho Qof iyo Cod ah. Si ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta, ayna u go’aamiyaan mustaqbalka siyaasadeed ee Dalka.




