Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo….

introvertmustafa
1 Min Read

Soohdimaha oo Shahaado Guddoonsiiyey Ururro Siyaasadeedyo Cusub oo soo buuxiyey shuruudihii looga Baahnaa.

Muqdisho 6, September, 2025:- Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaaddada rasmiga ah ee Ururnimo guddoonsiiyey Urur siyaasadeedyo cusub oo soo buuxiyay shuruudaha diiwaangelinta Ururrada.

Munaasabad ka dhacday Xarunta dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shahaadada rasmiga ah ee Ururnimo lagu guddoonsiiyey 14 Urur siyaasadeed oo soo dhamaystiray dhammaan shuruudihii Ururnimo ee looga baahnaa.

Guddoomiyaha Guddiga Mudane Abdikarim Axmed Xasan oo qudbad ka jeediyey Munaasabadda shahaadada lagu guddoonsiinaayey Ururrada cusub ayaa sheegay in la furidoona diiwaangelinta dadwaynaha muddo kooban oo ka bilaabanaysa 9,September ilaa 30,September 2025.

Ugu dambayn Madaxda Urur siyaasadeedyada cusub ee la guddoonsiiyay shahaaddooyinka ayaa dhankooda caddeeyay in ay diyaar u yihiin ka qayb-galka doorashada Qof iyo Codka ah.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *