Diiwaangelinta codbixiyeyaasha magaalada Laascaanood.
Laascaanood 6,September, 2025:- Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Saadiq Abshir Garaad, oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Xubnaha Guddiga ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay 15 xarumood oo ay ka socoto Diiwaangelinta codbixiyeyaasha magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Masuuliyiinta Guddiga waxaa ku wehelinayay kormeerka Duqa magaalada Laascaanood, Mudane Cabdiraxiim Cali Ismaaciil.
Intii uu socday kormeerka masuuliyiinta waxay warbixinno ka dhegeysteen guddoomiyeyaasha goobaha diiwaangelinta, waxayna u kuurgaleen caqabadaha jira iyo sida shaqadu ay u socoto.
Ugu dambayn guddoomiye ku-xigeenka guddiga ayaa howlwadeennada kula dardaarmay inay bulshadu ugu shaqeeyaan si hufan oo cadaalad ah.
— DHAMMAAD —


