XOGTA GUUD QAADASHADA

introvertmustafa
1 Min Read

Geedi-socodka qaadashada kaararka cod-bixinta waa tallaabada ugu muhiimsan ee muwaadinku u qaado dhanka ka qaybgalka doorashooyinka 2025, si loo xaqiijiyo xaqa uu u leeyahay inuu doorto hoggaanka uu rabo. Muwaadiniinta waxaa laga rabaa inay uturaan xarumaha diiwaangelinta ee ay horay uga istaageen, iyagoo wata aqoonsigii lagu siiyay xilligii is-diiwaangelinta si loo siiyo kaarka rasmiga ah ee cod-bixinta. Waxaa muhiim ah in muwaadin kasta uu ilaashado kaarkiisa, maadaama uu yahay aqoonsiga kaliya ee u oggolaanaya inuu galo goobta cod-bixinta maalinta doorashada. Maamulka iyo guddiyada doorashadu waxay ku dhiirrigelinayaan dadweynaha inay kaarka qaataan inta uu furan yahay muddada loogu talagalay, si looga fogaado saxmadda ama dib-u-dhaca saameyn kara xaqaaga codaynta.

Share This Article
Leave a Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *