Degmada Cabdicasiis ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay doorashadii Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir. Wadarta guud ee codadka la dhiibtay waxay ahayd 4,367, kuwaas oo 4,141 ay noqdeen codad ansax ah, halka 226 cod ay noqdeen kuwo xumaaday.
Natiijada rasmiga ah waxay muujisay in ururka Sincad uu helay codadka ugu badan (2,122), waxaana ku xigay Caddaaladda iyo Wadajirka (706), Karaama (551), iyo Dib-u-Heshiisiinta iyo Hormarinta Towfiiq (209). Ururrada kale ee siyaasadeedna waxay heleen codad kooban sida ku cad natiijada ay shaacisay Guddiga Doorashooyinka.