Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (NIEBC) ayaa shaaciyey warbixinta guud ee natiijada doorashooyinka Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ay ku tartameen 20 urur siyaasadeed isla markaana guud ahaan la tartamay 390 kursi. Doorashadan waxaa la diiwaangeliyey 233,314 cod, waxaana 210,586 ka mid ah noqdeen codad ansax ah, halka 22,728 ay noqdeen codad xumaaday.
Natiijada kuraasta waxay muujisay in ururro kooban ay heleen kuraasta ugu badan, halka ururro kale ay heleen matalaad xaddidan. Ururrada ugu kuraasta badan waxaa ka mid ahaa Caddaaladda iyo Wadajirka (177 kursi) iyo Towfiiq (49 kursi), halka ururro kale ay heleen kuraas kala duwan sida Ramaas (42), Karaama (39), iyo kuwo kale.