Degmada Dharkenley ayaa si rasmi ah u soo gabagabeysay doorashadii Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir. Wadarta guud ee codadka la dhiibtay waxay ahayd 23,386, kuwaas oo 22,899 ay noqdeen codad ansax ah, halka 487 cod ay noqdeen kuwo xumaaday.
Natiijada rasmiga ah waxay muujisay in ururka Caddaaladda iyo Wadajirka uu helay codadka ugu badan (9,327), waxaana ku xigay SAAB (3,536), Ramaas (2,577), Dib-u-Heshiisiinta iyo Hormarinta Towfiiq (2,542), iyo Karaama (2,267). Ururrada kale ee siyaasadeedna waxay heleen codad kala duwan sida ku cad natiijada ay shaacisay Guddiga Doorashooyinka.